• 10125 visits
  • 38 articles
  • 0 hearts
  • 6 comments

ahhh soulja boy zamiir 16/08/2008

ahh zamiir yaree soulja boy street abaye gangs

maxaad ka taqaaana taariikhda lacagta 31/07/2008

Maxaad ka taqaan taariikhda LACAGTA?


--------------------------------------------------------------------------------
Helsinki, Finland (Calanka.com) 19-Luulyo-08
--------------------------------------------------------------------------------

Waayadii hore inta aan la aqoon lacagta, ayaa dadku waxay wax kula badalan jireen badeecada iyadoo qolo walbaa ay badeecad ay isla ogyihiin lagu jaangoynayo taasoo loo yaqaan (barter), Matalan Qabiilo dagi jiray Latin Ameerika oo la oran jiray Aztecs ayaa waxaa ay kusaleeyeen waxkala iibsigooda geed Qumbaha.Isku soo duuboo waxaa u badnaa waxyaalihii markaas wax lagu salayn jiray, haraga xoolaha, dadka la adoonsado, iyo caleemaha tubaakada iyo qaarkaloo badan.

Tusaale dadkii hargaha ariga ku jaangoyn jiray qaabka ay badeecadahooda wax ugu kala iibsadaan ayaa matal 10 kii harag ari waxay la qaymo yihiin neef geela, ama 2-dii harag ari baa la qaymo ah Faas iyo gudin Sistemkan ayaa afka Englishka lagu yiraahdaa (barter).

Lacagtii Masaaridii hore (Egyptian Currency)

Masaaridii hore ee Faraaciinta la oran jiray ayaa waxay sameeyeen qaab ay wax ku kala iibsadaan ayagoo sal uga dhigay biraha qiimaha badan ee sida fudud aan lagu helikarin sida Silvirka oo aad masawirka ka aragtaan, iyo dhamaan biraha qiimaha badan sida Dahabka, waxaana lagu salayn jiray hadba birta culayskeeda iyadoona lagu cabiri jiray dhagax la isla ogyahay.

600 oo sano Nabi ciise (calayhi salaam) horti (600 B.C. The First Coins) 700 oo sano Nabi Ciise hortii ayaa Boqortooyadii Lydia (Turki) waxay ahayd dadkii ugu horeeyay aduunka wax samaysta lacag shilima ah oo bir kasamaysan oo goobaysan, waxayna ku shaabadayn jireen masawir lagu garto culayska shilinka, waayo xiligaas waxaa muhiim ahaa culayska birta calashaan inta kiilo.

Shiinaha iyo daabacaadii lacagta xaashidaa Shiinaha ayaa ahaa wadankii aduunka ugu horeeyay ee sameeya lacag ka samaysan xaashi inkastoon hada aan laga hayn wax kaharay lacagtaas, ayaa waxaa lahayaa midii uu samaystay boqor Shiinaha xukumi jiray qarnigii 13-naad oo la oran jiray Ghengis Khan, sida aad masawirka ka aragtaan lacagtaas waa lacgtii uu boqorkii shiinuhu sameeyay qarnigii 13 naad.

Boqorka ayaa waxaa uu sameeyay Sistem ah in uu qofkasta oo u keensada Dahab ama Silver inta cabiro qofkii wixii uu u keenay wuxuu ugu badali jiray lacag xaashiya oo ay ku qoranyihiin sawiro iyo tirooyin muujinaya hadba inta lowgu badalay dahabkiisii ama Silvirkiisii, waxaa kaloo qofkaas loo ogalaa in markuu doono hadana lacagtii hadii uu soo cesho lowgu badalayo intii ay laqiime ahayd oo ama Dahaba ama Silver ah. Boqorkaas ayaa ahaa caqligii ka danbeeyay lacagta xaashidaa ee maanta aduunka laga isticmaalo.

Bangigii ugu horeeyay Europe. 1661 ayaa Sweden waxay dhistay Bangigii ugu horeeyay ee ku yaala qaarada Europe.

Dabadeedna Swedan waxay daabacady lacag caalamiya oo sharciyaysan oo qiimaheedana hadba lagu jaangoynayo inta kiilo ee Dahaba ee qofku bangiga dhigto.

Boqortooyadii Ingiriiska iyo 1816

1816 ayaa boqortooyadii Ingiriiska waxay samaysatay lacag shilimo ah oo lagu jaangooyay dahab, taasoo ka dhigan in qofkii lasiinayo hadba inta kiilo ee Dahaba ee uu Bangiga dhigto in lacag lowgu badalo. Fikrada noocana ee lacagta lagu jaangoynayo dahabka ayaa Maraykanku wuxuu qaatay sanadii 1900.

1867 ilaa 1933 lacagaha aduunka
1867 ilaa 1933 ayaa wadamada aduunka intooda badan waxay lacagtooda ku jaangooyeen dahabka. oo micnaheedu ahaa in wadamadaas lacagaha ay daabacaan ay ku jaangoynjireen hadba inta kiilo oo dahaba ee Bangiga dhexe utaal, sidaa awgeed uu qofku lacagta ama dahabka laftigiisa wax ku gadan karo, ama bangiga dhigan karo oo lacag lowgu badalayo, ama lacagtii haduu doono inta bangiga geeyo iyadana Dahab lowgu badalayo.

Hoos udhacii dhagaale oo ku dhacay Maraykan sanadii 1933 ayaa Maraykanku awoodi waayay in uu dhamaan dadkii Doolarka maraykanka ah haystay ee doonayay in ay lacagihii ay haysteen dib lowgu badalo Dahab, uu yiraahdo waxaan dahabka badalkiisa idin siinayaa Silver taasoo la famayo in uu daabacday lacag ka tira bada dahabkii ay dadku bangiga dhigteen ama dawlada u tiilay. Taasi waxay sababtay in uu maraykanku ku dhawaaqo in uusan sii isticmaali doonin xeerkii ahaa in lacagta lagu jaangooyo hadba Dahabka bangiga dhexe yaal balse Silverka qudhiisa latixgalinayo, taas oo uu Maraykanku sii waday ilaa 1960. 1971 ayaa Maraykanku joojiyay dhamaan isku jaangoyntii Dahabka iyo Doolarka.

July 1944 Shirkii Bretton Woods (Bretton Woods Conference) Shirkan oo uu hormuud u ahaa Maraykanku ayna kasoo qaybgaleen inta badan wadamadii aduunka ka jiray xiligaas ayaa waxaa lagu heshiiyay sistem cusub oo layiraahdo (The Bretton Woods System: A Fixed Exchange Rate) Sistemkan ayaa ah in Wadamadii 45 ta ahaa ee Shiray iyo wixii kalee kusoo biirayaaba Doolarka Maraykanka lagu jaangooyo lacagaha aduunkoo dhan, isla markaana Doolarka qudhiisa lagu jaangooyo Dahabka, calashaan bangiga dhexe ee Maraykanka madaabici karo Doolar, ilaa Dahab u dhigma cadadada Doolarka uu rabo inuu markaas daabacdo uu Bangiga dhexe yaalo mooyee, sidoo kale waxaa lagu jaangooyay halkii Ounce 35$ (the dollar fixed in terms of gold—$35 an ounce.). Halkii Ounce wuxuu u dhigmaa 28 gram oo Dahaba. Sidoo kale wadankii aduunka raba inuu lacag soo daabacdo waxaa u furnayd laba arimood midkood, in uu wadankaas lacagtuu daabacanayo mid le'eg oo Doolara ama Dahaba ay bangiga dhexe u taalaa.

Isla Shirkaas waa shirkii Breton woods-e oo ay kasoo qaybgaleen xiligaas 45 wadan ayaa waxaa lagu aas aasay laba hay adadood oo caalamiya oo dusha ka waardiyeeya systemkaas waxayna kala ahaayeen (IMF iyo World Bank. Imf ayaa badanaa wadamada xubnaha ka waxay ka caawinaysaa qaab ku dhaqanka systemka iyo inay siiso daymo mudo gaaban wadamada dhaqaalahu ku yarado, halka World Bankina uu Daymaha mudada dhaadheer bixinayay iyo waliba maalgashi iyo dhanka hurumarinta qudheeda ka qayb qaadanayay, khaasatan dagaalkii labaad markuu dhamaaday uu noqday World Bank hay'adii Europe lagu maalgaliyay.

1971 Markii Faransiiska iyo wadamo badan oo kale oo lacag aad u farabadan oo Bangiyadooda dhexe tiil ay ka dalbadeen Maraykanka in uu ugu badalo Dahab isla markaana uu Maraykanku awoodi waayay in uu Dahabkaas faraha badan ayuu Maraykanku ku dhawaaqay in uu ka guuray Systemkii lagu heshiiyay ee Bretton Woods System. una guuray Flexible Exchange Rate System.

Flexible Exchange Rate System (Qaabka lacagta sabeeya)- Qaabkan ayaa ah in wadankasta uu Bangigiisa dhexe daabacdo hadba baahida lacageed ee uu wadanku u baahdo, isla markaasna aan wax Dahaba ama lacag kale toona lagu jaangoyn lacagta wadanku daabacanayo, balse ay Qaymaha wadankasta lacagtiisu ku xirantahay hadba sida lacagtaas wadamada kale u iibsadaan. Calashaan waxay lacagtu qiimaheedu ku xirnaanayaa wadanka wax soosaarkiisa sida matalan hadii Soomaaliya ay Soo saarto 1000 baabuur, hadii matalan nin Finlandaysa uu rabo in uu iibsado baabuurta Soomaalidu soosaadhay ayaa waxaa ninkii lagu xirayaa in baabuurtan lagu iibinayo oo kaliya Shilin Soomaali, sidaa awgeedna hadii ay bataan dadka raba in ay iibsadaan Shilin Soomaaliga uu qiimihii Shilin Soomaaligu kor u kacayo, hadiise taa badalkeedu ay Soomaalidu waxsoosaarkeedu hoos u dhaco isla markaana ay wax walba dibada kasoo iibsato waxaa hoos u dhacaya Qiimihi Shilin Soomaaliga.

Wadamada lacagtooda ku jaangooya lacago wadamo kale.
Ilaa hada waxaa jira wadama fara badan oo lacagtooda ku jaangooya Doolarka Maraykanka ama lacago wadama kale. Wadamada lacagahooda ku jaangooya lacagaha wadamada kale ayaa Khasaare iyo faa iidaba la kulma.Waxay khasaaraan markii ay lacag daabacanayaan oo laga doonayo lacagta ay daabacanayaan cadadeeda cadad le eg oo ah Lacagtii ay tooda ku jaangooyeen in ay Bangiga dhexe dhigaan si qofkii uu markuu rabo lacagtaas hadba tuu rabo uu u badalan karo.
Wadamada lacagtooda ku jaangooyay Doolarka waxaa kamida wadamada Khaliijka sida Sa'udi arabia, Shiinaha oo 70% lacagtiisa ku jaangooayay Doolarka iyo wadamo ama qayb ku jaangooyay ama kuwada jaangooyay.

Matalan Shiinaha iyo Jabaanka ayaa Bangiyadooda dhexe waxaa yaal Balaayiin Doolar, waxaana dhacaysa in hadii ay iska iibshaan Doolarkaas uu Doolarka Maraykanku aad hoos ugu dhacayo. Laakiin si uu Maraykanku arinkaa uga feejignaado ayuu Maraykanku Shiinaha wuxuu wiig kasta ka iibsadaa badeecad aad u fara badan oo hadii uu Shiinuhu si fudud halmar Doolarkii Maraykan suuqyada ugu iibsho uu taa badalkeedu Maraykanku joojinayo badeecadii faraha badnayd ee uu ka iibsanayay Shiinaha.

Waxaa sidoo kale iyana aan ogalayn marnaba in dhaqaalaha Maraykanka uu hoos u dhaco wadamada lacagtooda ku jaangooyay Doolarka oo markaas ay iyaga qudhooda khasaare wayn ku tahay wadamadaas maadaama ay lacagtoodu ku jaan go'antahay Doolarka.

Waxaa kaloo aan meesha ka marnayn in ay kor u qaaday qiimaha Doolarka lakala siisto markii dhamaan Wadamada saliida soosaara intooda badan ay Saliida Doolar ku iibshaan oo batroolka aduunka waxaa lagu kala iibsadaa Doolarka.

Hadaba Akhristow maxaad isleedahay waa usabab qaxootiga soomaaliyeed ee badaha ku dhamaada si ay wadamada lacagta adag uyimaadaan oo lacag adag uga helaan.

Isku soo duuboo sababta aan qaxootiga la nahay sow ma ahan (we are in search of Hard currence) calshaan maadaama Shilin Soomaaligii uu qiima beelay waa in aan inta Europe nimaanaa tuugsanaa dhowr boqol oo dabadeed dib ugu dirnaa dalkii.

Markii aan Finland soo galay 1990 ayaan waxaan la yaabi jiray dadka wada mashquulkaa ee aadka u shaqaynaya waxaan fahmay mar aan saas usii fogayn in hadii aan sidaas aadkaa dadka wadanka ku nool oo idil aynan u shaqayn uu wax soo saarka wadanku hoos u dhacayo, hadii waxsoo saarku hoos u dhacana ay lacagta wadanka hoos u dhacayso, haday lacagtu hoos u dahcdana hade maxaa yaal.

fanaanka da'da yar ee zaxardiid maxamed zaxardiid 28/06/2008

saaxibkay c-raxmaan oo ku magac dheer (sakaaro) 03/05/2008

prof; zamiir yare 01/05/2008